Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Giroud Oo Ku Dhow Ku Biiritaanka Milan

Giroud Oo Ku Dhow Ku Biiritaanka Milan

0

Himilo – Milan waxa ay qarka u saaran tahay inay xirto heshiis ay kula jirto Chelsea oo ku aadan Olivier Giroud oo ku biiraya San Siro.

Sky Sport Italia ayaa warinaya in laacibka reer France uu ku dhow yahay inuu ku biiro Rossoneri, oo Chelsea la siin doono magdhow dhan € 1m oo lagu daray € 1m oo gunno ah.

Wadahadalada loogu jiro weeraryahanka Real Madrid Brahim Diaz iyo daafaca dambeedka midig ee Manchester United Diogo Dalot ayaa sii socda, halka Milan ay sidoo kale wadahadalo kula jirto Monaco oo ku aadan saxiixa Fodè Ballo-Touré.

Milan ayaa ka shaqeyneysa inay cusbooneysiiso qandaraaska Franck Kessie ee Milanello, laakiin heshiiska Giroud ayaa ku dhow inuu xirmo.

Fikradii ugu horaysay waxay ahayd in halyeeyga si bilaash ah lagula soo saxiixdo, laakiin Chelsea ayaa keentay heshiiskiisa oo lagu kordhiyay hal sano oo dheeri ah.

Milan ayaa ugu danbeyn bixin doonta €1m ciyaaryahanka, oo lagu daray mid kale oo gunooyin ah waxaana idaacada ay sheegtay in Giroud uu u safri doono caasimada Fashion-ka si uu tijaabada caafimaadka u maro maalinta Khamiista.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version