Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Guardiola “Man City waxay ahayd kooxda ugu wanaagsan PL-ka 10-kii sanno ee...

Guardiola “Man City waxay ahayd kooxda ugu wanaagsan PL-ka 10-kii sanno ee tagtay.”

0

Maamulaha reer Spain ee kooxda Man City ayaa qirsan in kooxdiisa ahayd awooda kooxaha afarta sarre 10-kii sanno ee ugu danbeysay.

Marka la fiiriyo aragtida Guardiola, Man City ayaa ugu wanaagsaneyd horyaalka Ingiriiska 10-kii sanno ee la soo dhaafay.

City ayaa hanatay horyaalka Ingiriiska afar jeer oo ah inka badan inta ay ku guuleysteen kooxaha ku dhaw sida Chelsea iyo Man United 10-kii sanno ee laga soo gudbay.

Kooxda ayaa ciyaartay 381 kulan oo ay ku heshay 818 dhibcood, waxay 71 dhibic ka badan tahay Liverpool oo timid booska labaad.

Inkasta oo kooxda Guardiola ay lumisay dhibco badan xilli ciyaareedkan haddana maamulaha reer Spain ayaa aaminsan in kooxda u qalanto aqoonsi badan marka la eego guulaha ay gaartay 10-sanno ee la soo dhaafay.

“ Waxaan aaminsanhay in kooxdan tahay midda ugu wanaagsaneyd horyaalka Ingiriiska 10-kii sanno ee tagtay, waan ugu hambalyeynayaa guushaasi kooxda City,” ayuu yiri Pep Guardiola.”

Man City ayaa sannadka 2020 ku furan doonta ciyaar ka dhaceysa garoonkeeda oo ay ku qaabileyso kooxda Everton.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version