Home Habka-Nolosha Guardiola oo aan la dhacsaneyn qaab cayaareedkii kooxdiisa kulankii xalay

Guardiola oo aan la dhacsaneyn qaab cayaareedkii kooxdiisa kulankii xalay

0

Maareeyaha kooxda Bayern Munich Pep Guardiola ayaa carabka ku dhuftay inuu aad uga xumaaday guuldarradii kasoo gaartay kooxda Caasimadda Madrid ka dhisan ee Atletido Madrid.

Gool uu dhaliyay Niguez ayaa kaga filnaaday wiilasha macallin Diego Simeone inay guuldarro badaan macallin Guardiola iyo kooxdiisa.

Guardiola oo weriyaasha la hadlay ayaa yiri “Goolkoda aad buu u qurux badnaa, laakiin qaladkeena ayuu ku yimid. Waan iska taagneyn. Kuma qancin qaab cayaareedkeenii.”

Pep Guardiola ayaana filaya kulanka ka dhici doona Allianz Arena inuu noqon doono mid adag, inkastoo uu qabo rajo ah ina halkaa wax walba ku sameyn karaan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version