Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo ka warbixiyay ogaalkooda dhallinyaro been abuur dalka dibadiisa...

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo ka warbixiyay ogaalkooda dhallinyaro been abuur dalka dibadiisa ugu anbabixi rabay

0

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa carabka ku dhuftay inaanay xog ka heyn cayaartoy Soomaaliyeed oo cayaaro dalka dibaddiisa ugu anbabixi inay kulamo soo dheelaan.

Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kahor istaagtay dhallinyaro sheegtay inay yihiin cayaartoy oo ku sii jeeday dalka Masar, iyadoo dhallinyara ku been abuurtay inay yihiin cayaartoy ay doonayeen inay gaaraan magaaladda Qaahira.

Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaana si loo hubiyo dhallinyaraa xiriir la sameysay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed.

Shir jaraa’iid oo Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ay ku qabteen Muqdisho ayayna ku xaqiijiyeen in dhallinyaradaa ay ahaayeen tahriib doon magaca kubadda cagta ku dhuumaaleysananay oo aanay jirin qorshe cayaaareed cayaartoy Soomaali ah ay u aadayaan dalka Masar.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version