Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Madadaalo Guumeyskii raacay diyaaradda

Guumeyskii raacay diyaaradda

1

Himilo – Duuliyaha mid ka mid ah diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca ee Helicopter-ka ayaa ku jiray hawlsha la dagaalanka dabka ka holcaya gobolka California ee dalka Mareykanka, markii si lama filaan ah uu daaqadda kaga soo galay shinbirka Guumeyska.

Dan Alpiner, oo duulinayay diyaaradan ay leedahay shirkadda Sky Aviation, ayaa dareemay baqdin xoogan markii uu arkay Guumeyska ugu soo galay qolkii laga hagayay diyaaradda.

Walaaciisa ugu wayn ayaa ahaa inuu shinbirku qalqal galiyo hawsha dab damin ee uu waday, balse waxa uu la joogay muddo 10-daqiiqo ah kahor inta aysan ku dhihin nabadgalyo.

 “Waxa uu iila raacay diyaaradda si degan kahor inta uusan dib u laaban”, ayuu yiri Dan Alpiner.

Sanad kahor ayey ahayd markii guumeys yar lagu arkay matoorka diyaarad fadhisay garoon diyaaradaha magaalada Melbourne ee dalka Australia.

Koox hubanayay diyaaradda kahor inta aysan kicin ayaa ugu tagay matoorka, isaga oo markaasi hurda.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version