Home Madadaalo Guumeys illaalinaya beeraha tufaaxa Japan

Guumeys illaalinaya beeraha tufaaxa Japan

0

Himilo – Waxaa suurtagal ah in noloshaada maalin uun maqashay Eey ayaa boliiska ka caawiyay soo qabashada danbiile, balse malaheyga waa ay kugu cusub tahay Guumeys shaqadaasi qabanaya.

Dalka Japan, shinbiro guumeys ah ayaa illaaliya xilliga habeenkii ah beeraha tufaaxa dalkaas, taas oo horseetay in malaayiin doolar ay sanadkii soo xereeyaan beeraleyda, sida ay daabacday mareegta TeluguStop.com.

Iyada oo laga faa’iideysano aragga shinbirkan oo fiican habeenkii marka loo barbardhigo maalintii, waxaa la geeyaa dhul beereedka, isaga oo ka illaaliya dooliga iyo cayayaanka kale baddelkii la adeegsan lahaa suntan disha cayayaanka.

Hindisahan lagu kordhinayo wax soo saarka beeraha iyada oo la adeegsanyo xayawaano Naasleey ah oo tababaran kuma cusba wadanka Japan, dadka beeraleyda ah ayaa u geeya cuno si gaar ahna u daryeela imta ay qabanayaan howsha illaaleynta.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version