Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Halkuu ku yaal Masjidka ugu yar Adduunka?

Halkuu ku yaal Masjidka ugu yar Adduunka?

0

Himilo- Haddii ay dhacdo inaad booqato Masjidka Mir Mahmood Saheb ee ku yaalla Hyderabad, dalka Hindiya, waxaad la ashqaraari doontaa sida farshaxanka leh ee loo qaabeeyey dhismihiisa.

Wuxuu fidsan yahay ballac ahaan 9.2 ft x 12 ft ama 10.21 sq. mt. Waxaana mar qura gudihiisa ku dukan kara dad gaaraya shan qofood oo kaliya.

Waana sababta Masjidkan loogu naaneyso Masjidka ugu yar Caalamka.

Waxaa la taagay qarnigii 16aad markii uu xukunka talada hayay Abdullah Qutb Shah.

Wuxuu leeyahay laba minaarad.

Hadda looguma dukado si maalinle ah. Waxaana uu u taagan yahay xusuus iyo raad taariikheed ahaan oo kaliya.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version