Home Habka-Nolosha Harry Kane oo doonaya in macallin Pochettino uu sii joogo Tottenham

Harry Kane oo doonaya in macallin Pochettino uu sii joogo Tottenham

0

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Tottenham Hostpur ayaa doonaya in macallin Mauricio Pochettino uu muddo fog ku sii sugnaado gegada White Hart Lane oo ay ku dheesho kooxda Spurs.

Pochettino oo 44 jir ah ayaa 2014 ka soo dhaqaaqay Southampton si uu ugu soo biiro kooxdan Waqooyiga London ka dhisan oo uu ka yeelay mid u tartameysa xagaagan hanashada horyaalka Ingiriiska.

Lix kulan ayaa horyaalka ka harsan, kooxda booska labaad fadhisa ee Tottenham ayaana hogaamiyaasha ka hooseysa toddobo dhibcood.

“Waa tababare sare, waxaadna dooneysaa in kooxdaada ay joogaan macallimiinta dunida ugu wanaagsan,” Kane ayaa sidaa u sheegay Sky Sports News.

Marka xagaagan uu dhamaado Pochettino waxaa u sii hari doona saddex sano oo kaga dhiman qandaraaska uu kula joogo Tottenham Hotspur.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version