Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Haweeney afkeedu furmay soddon sano oo xirnaa kadib

Haweeney afkeedu furmay soddon sano oo xirnaa kadib

0

Himilo – Haweeneyd soddon jir ayaa afkeedu furmay markii ugu horreysan taniyo dhalashadeedii kaddib markii qalliin loogu sameeyay Isbitaal ku yaalla caasimada India ee New Delhi.

Astha Mongia marna uma aysan suura galin inay afkeeda kala furto arrimo la xiriira xaalad dhif ah oo isku keentay lafaha daankeeda. In yar oo xitaa carrabkeeda aysan taaban Karin ayaa u furneyd.

“Soddonkii sano ee tagtay Astha ma aysan awoodin inay qaadato cunno adag. Waxaa dhib ku ahaa hadalka. Ilkaheeda ayay wada wayday.” Sidaa qoraal ka soo baxay isbitaalka ayaa lagu yiri.

Dhakhaatiirta qalliinka afka loogu furay u sameeyay ayaa sheegay inay xaaladan ahayd mid adag. Iyagoo xusay inay isbitaalo kala duwan ay horey  u diideen qallaan.

“Waa mucjiso inaan afkayga kala furi karo. Sidoo kale aan wax ku cuni karo kuna hadli karo dhib la’aan.” Sida waxaa laga soo Astha.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version