Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Haweeney maqaayad ku dacwanaysa sababta dhimasho ee Eygeeda.

Haweeney maqaayad ku dacwanaysa sababta dhimasho ee Eygeeda.

0

Muqdisho – Haweeney ayaa dacwad ka gudbinaysa maqaayad kadib markii eygeeda uu u dhintay shaah kulul oo uu ku gubtay.

58-jirta lagu magacaabo Deanna Salas-Solano oo ku nool Colorado ayaa dacwad u gudbisay maxkamadda Denver District Federal Court.

Waxay raadinaysaa adduun dhan mag-dhow ah oo gaaraya 100,000$ – iyada oo ku sheeganeysa in eygeeda uu u dhintay dayacaad iyo mas’uuliyad darri xaga mqaayadda kaga timid.

Salas-Solano  waxay sheegtay inay maqaayadda u aaday si ay shaah uga soo cabto. Balse sida aan foojignayn ee la iskaga xil-saaray ilaalinta halista dahsoon, ayay tiri, waxaa iiga gubtay eygeyga oo lagu magacaabo Alexander.

Natiijada ayaa noqotay in eygu uu gubtay gubashada degree-ga labaad – in yar kadib uu u geeriyooday.

Salas-Solano waxaa iyadna loo qaaday xarunta caafimaadka  Swedish Medical Center Burn halkaas oo lagu dabiibay.

Howl-wadeennada maqaayadda ayaa sheegay inay hayaan muuqaalka kaamiradu ka duubtay dhacdada. Balse ilaa hadda uma soo deynin shacabka.

Hayeeshe muuqaalka fiidiyowga Salas-Solano ayaa muujinaya eygeeda oo ku soo dulboodaya dhabteeda xilli ay isku dayayso inay laacdo shaaha u saaran miiska.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version