Home Macluumaad Haweeney timaheeda ugu deeqda carruurta aan timaha laheyn

Haweeney timaheeda ugu deeqda carruurta aan timaha laheyn

0

Himilo – Zahab Kamal Khan oo ka soo jeeda dalka Pakistan ayaa go’aansatay inay timaheeda si lacag la’aan ah ugu deeqdo carruurta aan timaha laheyn.

Haweeneydan oo 30 jir ah, taniyo 13-keedii timaheeda ma aysan jarin. Waxay sheegtay inuu aabbaheed  kula taliyay inaysan timaha iska jarin.

17 sano kadib ayay qaadatay go’aan ah inay iska jarto isla markaana ay ugu deeqdo dadka aan timaha laheyn si gaar ah carruurta xaaladaha timo la’aanta ku sugan.

Ficilkeeda naadirka ah waxay ku mudatay inay ku gasho diiwaanka  Guinness World Record kadib markii ay shaqsiyaad siisay timo dhererkoodu gaarayo 182.88 cm.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version