Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Haweeneydii ugu horreysay oo timajare ka noqotay Sacuudiga

Haweeneydii ugu horreysay oo timajare ka noqotay Sacuudiga

0

Himilo – Wafa Saqer ayaa noqotay haweenaydii ugu horeysay ee Time-jare ka noqotay dalka Sacuudi Carabiya.

Shaqadeeda, hadal-heyn badan ayay baraha bulshada ka dhalisay haweeneydan tima jaraha ka noqotay Sacuudiga. taas oo ay dadku u qaateen in ragga ay u jarto timaha.

Waxay beenisay hadalkaas, iyada oo sheegtay in carruurta yar-yar ay u jarto timaha, islamarkaana aysan wax ka jirin hadallada la isugu gudbinaayo baraha bulshada.

Mihnad kasta ayay sheegtay inay wadato arzaaqdeeda,waxayna meesha ka saartay fikradaha khaldan ee ku aadan in dumarka aysan u qalmin inay qabtaan shaqooyinka inta badan looga bartay ragga.

Howsheeda waxaa soo dhaweeyay waalidiin badan, kuwaas oo ku dhiirageliyay inay sii joogteyso shaqada adag. Waxay tilmaamtay inay tahay shaqo ay jeceshahay, ayna rajeyneyso in meel sare ay ka gaarto.

Haweenaydan waxay muddo laba sano ah ku shaqeynaysaa gurigeeda hase ahaatee waxay rajo weyn ka qabtaa in mustaqbalka dhow ay xarun weyn ka furato bartamaha magaalada caasimada ah ee Riyad.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version