Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Heegan oo ku guuleysatay horyaalka kubadda koleyga Soomaaliya

Heegan oo ku guuleysatay horyaalka kubadda koleyga Soomaaliya

2

Kooxda kubadda koleyga Heegan ayaa xagaagii labaad oo xiriir ah ku guuleysatay horyaalnimada kubadda koleyga.

Heegan ayaa hanashada horyaalka u dabaal degtay markii ay isqabteen kooxda booska labaad I.L.S iyo xiriirka kubadda koleyga.

I.L.S ayaa kulan muhiim ah la laheyd dhigeeda Dekedda, hayeeshee cayaarta lama dheelin oo saddexdii dhibcood waxaa faraqa loogu shubay kooxda Dekedda.

Taa ayaa ka dhigan in 13 kulan oo laga dheelay horyaalka ay Heegan guul wada gaartay, halka I.L.S ay 11 kulan guul gaartay, hal guuldarro iyo kulanka dhibcaha lagala laabtayna ay u dheeryihiin.

Heegan ayaana isku diyaarineysa in markii saddexaad oo xiriir ah ay xagaaga soo aadan loolan ugu gasho hanashada horyaalka kubadda koleyga.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version