Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Henrikh Mkhitaryan oo u dagaallamaya booskiisa joogtada ah ee Man Utd.

Henrikh Mkhitaryan oo u dagaallamaya booskiisa joogtada ah ee Man Utd.

0

Muqdisho – Henrikh Mkhitaryan ayaa u dagaalamaya inuu badbaadiyo mustaqbalkiisa  Manchester United, ka dib markii uu qaab ciyaareed aan wanaagsaneyn uu  soo ban-dhigay isbuucyadii u danbeysay, sida ay qortay The Sun.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Armenia ayaa ku riyaaqay kubad wanaag bilowgii xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu ku dhibtooday todobaadyadii danbe, waxaana laga saaray ciyaartii kooxdiisu ee 4-1 kaga badiyey kooxda Newcastle.

28 jirkan ayaa ku dagaallamaya inuu dhacsado booskiisa koobaad ee United-ka, Henrikh Mkhitaryan ayaana kaga soo biiray Man Utd naadiga wadanka Jarmalka e BVB.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version