Home Arrimaha Bulshada Hindiya: Furriinkii ugu yaabka badnaa ayaa laga diiwaan geliyay

Hindiya: Furriinkii ugu yaabka badnaa ayaa laga diiwaan geliyay

0

Himilo –Magaalada Lucknow ee dalka Hindiya ayaa laga soo wariyay in uu ka dhacay furriin ay dad badan layaabeen xilli ay socotay dhageysiga dacwad u dhaxeysay lamaane oo ku saabsaneyd meher.

Wargeyska Daily Mail ayaa qoray in Syed Rashid uu yimid maxkamadda kaddib markii xaaskiisa Simmi ka soo gudbisay dacwad la xiriirta meher.

Mr Syed ayaa furray xaaskiisa intii ay socotay dhageysiga dacwadda kaddib markii Simmi diiday inay ka qaadato xanjo uu u soo taagay xilli ay mashquul ku ahayd qareenkeeda. Waxayna tani dhalisay carrada Syed.

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu faaqiday sheekada furriinka ee laga soo wariyay Hindiya. Dadweynaha ayaa u kala saftay labo dhinac; dhinac taageera haweenayda iyo kuwa ka soo horjeestay.

Dhanka kale Mr Syed ayaa la filayaa in uu wajaho seddex sanno oo xarig ah iyo ganaax lacageed sabab la xiriirta go’aan maxkamadeed oo Hindiya qaadatay oo ku saabsan furriinka islamarkaana lagu caburinayo Muslimiinta.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version