Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Hooyo aqoonsiga gabadheeda ku shukaansatay rag badan!

Hooyo aqoonsiga gabadheeda ku shukaansatay rag badan!

0

Himilo – Hooyo Missouri ah ayaa qiratay dambiga khiyaano kadib markii ay laba sano ku qaadatay in ay iska dhigto gabadheeda oo 22 jir ah oo ay ka xaday aqoonsigeeda si ay iskaga diwaangeliso jaamacad, u hesho amaah arday iyo in ay hesho liisanka darawalnimada.

Laura Oglesby, oo 48 jir ah, ayaa qaadatay aqoonsiga inanteeda ay kala tageen Lauren Ashleigh Hays sannadkii 2016, taasoo 22 jir ahayd xilligaas, ka dib markii ay magaceeda ku codsatay kaarka Lambarka Bulshada.

Oglesby waxay kula noolayd gabadheeda Jonesboro, Arkansas, ka hor intaysan keligeed u guurin in ka badan laba saacadood waqooyiga Missouri ka dib markii ay labadoodu xiriirkooda lumiyeen.

Dadka deegaanka ee ku nool magaalada yar ee Mountain View, Oglesby waxay ahayd ardayad 22 jir ah oo la odhan jiray Lauren Hays oo shukaansanaysay rag aaminsan inay yarayd oo ay shaqo ka haysato maktabadda magaalada.

Laakiin dhab ahaantii, waxay ahayd hooyo 40 jir ah oo u qaadatay aqoonsiga inanteeda ay kala guureen  oo ay lunsatay in ka badan $25,000 – oo hadda wajaheysa ilaa shan sano oo xabsi ah.

“Qof walba wuu rumaysnaa,” ayuu madaxa Jamie Perkins oo ka tirsan Waaxda Bilayska Mountain View u sheegay The New York Times. “Xitaa waxay lahayd wiilal saaxiibo ah oo aaminsan inay da’daas tahay: 22 jir.”

Sannadkii 2016-kii, maalintii la helay kaarka Lambarka Bulshada ee magaca gabadheeda, Oglesby waxay u isticmaashay kaarka si ay u hesho shatiga darawalnimada Missouri, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Mareykanka ee Galbeedka Degmada Missouri ayaa bayaan ku sheegay.

Sannad ka dib, Oglesby waxay isticmaashay kaarka Lambarka Bulshada mar kale si ay isaga diiwaan geliso Jaamacadda Southwest Baptist University ee Missouri, halkaas oo ay codsatay oo ay heshay gargaar dhaqaale si ay u dhigato.

Waxay heshay $9,400 amaahda ardayda federaalka ah, $5,920 Pell Grants, $337 buugaag ay ka heshay dukaanka buugaagta ee Jaamacadda, iyo $1,863 ee kharashyada maaliyadeed.

Jaamacadda Southwest Baptist University ayaa sheegtay inay si buuxda ula kacday baaritaanka. Dugsigu ma aanu xaqiijin in Oglesby ay ka qayb gashay xiisadaha, oo ku taal qiyaastii 135 mayl waqooyi bari ee Mountain View.

Kadib qirashada dambiga lagu soo oogay ee ah khayaanada Lambarka Bulshada, Oglesby waa in ay bixiso $17,521 jaamacada iyo sidoo kale in ay u soo celiso gabadheeda Lauren xatooyada aqoonsiga.

Oglesby ayaa wajihi doona xukun gaaraya ilaa 5 sano oo xabsi federaal ah iyada oo aan la sii dayn cafis.

Sheekadeeda waxay soo shaacbaxday 2018 markii maamulka Arkansas ay la xiriireen Waaxda Bilayska ee Mountain View.

Waqtigaas, Oglesby waxay la noolayd Avery iyo Wendy Parker, oo ah lamaane ku nool Mountain View kuwaas oo ka soo kaxaystay hoyga haweenka ee u dhow ka dib markii ay sheegtay inay ka cararaysay xaalad rabshad guri.

Lamaanuhu waxay sheegeen inay Oglesby ula dhaqmeen sidii gabadhooda oo kale. Lamaanuhu waxay warbaahinta u sheegeen inay aad uga naxeen oo ay ka cadhoodeen markii ay ogaadeen dembigeeda.

W.Q: Hanaa Maxamed Maxamuud

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version