Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Hordhaca kulanka dhexmari doona Banaadir SC iyo FC Muqdisho

Hordhaca kulanka dhexmari doona Banaadir SC iyo FC Muqdisho

0

Kulan cayaareedkan ay isku beegan yihiin Banaadir SC iyo Muqdisho City ayaa ka dhici doona gegada Banaadir Stadium, saacadda geeska Afrika marka ay tahay 3:30pm galabnimo.

Hogaamiyaasha horyaalka kubadda cagta dalka Banaadir SC ayaa kulan muhiim u ah maanta la cayaari doonta kooxda heerka koowaad ugu hooseysa ee Muqdisho City.

Banaadir iminka horyaalka waxay ku hogaamineysaa 3 dhibcood iyadoo leh 35 dhibcood, dhankeedana weli dhulka lama dhigin, barbarihii kulankii Elman iyo Jeenyo ayaana kooxdan u sii riixeysa hanashada horyaalka.

FC Muqdisho aad bay u liidataa, wayna sii carbunatay booskeeda heerka labaad xagaaga soo aadan, ogowna weli hal guul xagaagan ma aysan kaarin, shabaqeedana waxaa ku maqan 38 gool oo deyn ah.

Banaadir ayaana cayaartan badi loo saadaalinayaa in si dhib yar ay dhibcaha ku tirsan doonto, walow kubaddu ay mucjisooyin saadaalin aan gelin ay leedahay.

Guul ay gaarto Banaadir SC ayaana ka dhignaan doonta inay hogaanka horyaalka ku qabato lix dhibcood xilli qeybihii danbe ee horyaalka la joogo.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version