Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Ighalo “Dhiiggeyga ayaan siinayaa Manchester United.”

Ighalo “Dhiiggeyga ayaan siinayaa Manchester United.”

0

Himilo – Weeraryahanka Manchester United Odion Ighalo ayaa wacad ku maray in uu dhiiggiisa siin doono sidii uu ugu dagaalami lahaa booskiisa kooxda Solskjaer.

Cayaaryahanka qaranka Nigeria oo heshiis ammaah ah ku jooga Old Trafford ayaa furtay qaanadiisa gool-dhalinta kulankii United kaga hortimid Club Brugge ee Europa League-ga.

Isaga oo la hadlayay bogga rasmiga ah ee Man United, Ighalo ayaa yiri “Tani waa waxa aan ka shaqeynayo, waa waxa aan ku riyoonayo, hadda gacanteyda kuma jirto, waa in aan u dagaalamaa.”

Waxa uu intaa raaciyay “Wali si adag ayaan u shaqeynayaa tababar kasta aniga oo sameynaya dadaal dheeri ah si aan u gaaro heerka xiga.”

30 jirka ayaa cayaaray 20-kii daqiiqo ee ugu danbeysay kulankii Man United iyo Everton oo ku soo dhammaaday barbar dhac.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version