Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Deegaan Imaaraadka Carabta oo ganaaxaya dadka wasaqeeya wadooyinka

Imaaraadka Carabta oo ganaaxaya dadka wasaqeeya wadooyinka

0

Himilo FM – Booliiska dalka Imaaraadka Carabta ayaa soo saaray go’aan cusub oo lagu ganaaxayo dadka wasaqeeya wadooyinka ee tuba qashinka.

Darawalada gawaarida saaran ee qashinka dhiga wadooyinka ayaa lagu ganaaxayaa lacag dhan 270 kun oo doolar iyadoo laga calaameynayo shahaadada darawalnimada.

Waxyaabaha lagu tuuro wadooyinka Imaaraadka Carabta waxaa kamid ah sigaarka, baakadihiisa iyo cuntada.

Kaddib go’aankan, wasaqeynta wadooyinka oo inta badan loo tiiriyo darawalada gaadiidka waxay Imaaraadka ka noqonaysaa danbi marka la fiiriyo sharciga wado marista.

Dhinaca kale, maamulka magaalada Dubai aya shaqaaleysiiyay ku dhawaad 155 qofood oo kormeeraya wadooyinka iyo cid kasta oo tubaysa qashin.

Waxaa kale oo Imaaraadka Carabta uu jideynayaa sharci ganaaxaya dadka ku cantuufa wadooyinka waxna ku cunna gaadiidka dadweynaha .

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version