Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada India: nin waddo 2.5 km ah ku xardhay ‘waan ku jeclahay’

India: nin waddo 2.5 km ah ku xardhay ‘waan ku jeclahay’

0

Himilo – Nin aan la magacaabin oo ku nool magaaalada Kolhapur ee Dalka India ayaa waddo marta Gobolka Maharashtra ku xardhay ereyo uu ku muujinayo jaceylka uu u hayo gabar uu haasaawo kala dhexeeyo.

Si uu kalsooni dheraad ah ugu beero wuxuu sameeyey waddo laami oo dhererkeedu yahay 2.5 km ayuu ku qoray weero (jimlado) uu ku caddeynayay cishqiga qaabtiisa degay ee ku xanbaaray ficilkan.

Qoraal far waa wayn ah oo ay ka mid ahaayeen ‘ waan ku jeclahay’ ‘ waan kuu xiisay’ iyo kuwo kale oo badan oo dhamaad uu ku cabbirayay kalgacalka fog ee uu u hayo gabadha uu u sameeyay arrinkan.

Dadka degaanka ayaa aad ula yaabay markii ay soo tooseen iyadoo jidka ay ku xardhan yihiin  ereyadaas oo lagu qoray rinji cad. Sawirro laga qaaday ayaa aad ugu baahay baraha bulshada.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version