Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home COVID 19 India oo isku dayeysa inay xakameyso mowjaddii seddaxaad ee Covid-19

India oo isku dayeysa inay xakameyso mowjaddii seddaxaad ee Covid-19

1

Himilo – Isbitaalada la tacaalaya bukaanada qaaday feyruska Karona ee caasimadda New Delhi, ayaa buux dhaafiyay, xilli ay saraakiishu xeerinayaan xayiraado cusub oo lagu xakameeyo mowjadda seddaxaad ee cudurka Covid-19.

In ka badan 9-kun oo bukaan ah ayaa talaadadii la dhigay isbitaalada caasimadda, iyadoo kumanaan kiisas cusub si maalinle ah looga soo wariyo magaaladan ay ku nool yihiin 20-ka milyan.

“Waxaa isbitaalkeenu uu ku dhawaa inuu sii shaqeeyo todobaadyo kaliya marka la eego tirada bukaan ee uu qaadi karo” ayuu yiri Dr Srinivas Rajkumar T oo ka hawlgala isbitaalka dadweynaha eek u yaala Delhi.

Dowladda India ayaa wada qorshe ay kusoo rogeyso xayiraad cusub oo tirada dadka loo ogol yahay inay ka qeyb qaataan xafladaha aroosyada ku koobeysa 50-ruux, iyada oo sidoo kale la xiri doono suuqyada oo loo arko inay xudun u yihiin kororka kiisaska Covid-19 ee caasimadda New Delhi.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version