Home Macluumaad Indonesia: Ardayda oo dhaqashada diggaaga looga mashquulinayo taleefanada

Indonesia: Ardayda oo dhaqashada diggaaga looga mashquulinayo taleefanada

0

Himilo- Magaalada Bandung ee dalka Indonesia ayaa go’aansaneysa in ardayda magaalada la siiyo diggaag ay dhaqdaan oo ay kaga mashquulaan isticmaalka taleefanada caaqilka ah.

Duqa magaalada Bandung  oo caasimad u ah gobalka Java ayaa bilaabay ol-olaha isaga oo 1000 jiijiil u qeybiyay ardayda dugsiyada dhexe iyo sare ee magaalada sida ay qoratay warbaahinta dalkaasi.

“Ardayda waxay quudinayaan diggaaga kahor inta aysan aadin dugsiyada,” ayuu yiri duqa magaalada Bandung.

Waxa uu intaa raaciyay in ol-olaha uusan keliya ardayda ka weecineyn taleefanada caaqilka ah balse uu ku dhiira gelinayo quudinta shimbiraha, jaceylkooda iyo inay qaadaan mas’uuliyad.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version