Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Induniisiya – Haween 100 karbaash lagu dhiftay markii ay Shareecada ku xad-gudubtay.

Induniisiya – Haween 100 karbaash lagu dhiftay markii ay Shareecada ku xad-gudubtay.

0

Muqdisho – Haweeney ayaa dadweynaha hortooda lagu karbaashay 100 jeer markii ay aad ugu dhawaatay nin aan qabin oo anjabi ka ah.

Haweeneydan lagu magacaabo Mazidah oo ku nool Lhokseumawe waa 30-jir. Waxaana lagu eedeeyey inay ku xad-gudubtay Shareecada Islaamka oo diidaysa in qof anjabi ah aad loogu dhawaado – sifo aan bannaanayn.

Maalintii Jimcaha ayaa meel fagaare loogu oogay xadka danbigii lagu soo helay. Dadweyne isugu jira rag, dumar iyo carruur ayaa isugu soo baxay.

Mazidah waa xaas u dhaxda seygeeda. Waxaana la karbaashay 100 jeer. Warar qaar ayaa sheegaya in xanuunka ay ka qaaday garaacista uu keensaday in loola cararo isbitaalka.

Ninka ay la taagnayd oo isuguna 34-jir ah, waxaa la karbaashay boqol jeer.

 

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version