Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Caruurta Ingiriiska: Cunug 4 jir ah oo badbaadiyay hooyadii oo dhibaateysan!

Ingiriiska: Cunug 4 jir ah oo badbaadiyay hooyadii oo dhibaateysan!

2

Himilo FM –  Dalka Ingiriiska, cunug 4 jir ah ayaa isaga oo adeegsanaya barnaamij taleefan waxa uu badbaadiyay hooyadii oo miir daboolantay.

Magaalada Hook ee dalka Ingiriiska ayaa laga soo wariyay sheekadan, waxaana wiilka yar oo la yiraahdo Baw Ostein uu keli ku ahaa guriga markii ay hooyadii oo xaamilo ah dareentay culeys islamarkaana uu miirka ka tagay.

Cunugga  yar ayaa u dagdagay taleefanka Iphone-ka oo ay laheyd hooyadii laakiin uu marwalba isticmaali jiray.  Baw oo ka jawaabaya dhibaatada hooyadii heysatay ayaa adeegsaday barnaamijka Siri ee caaqilka isaga oo la xiriiray qeybta adeegga deg degga ah ee dalkaasi.

Waxa uu la hadlay cunugga yar qof booliiska kamid ah oo fahmay in dhibaato jirto islamarkaana ka bixiyay jawaab.

Hooyada oo loo qaaday isbitaal lana daweeyay ayaa sheegtay sida ay ugu faaneyso wiilkeeda iyadoo tilmaamtay in la’aantii ay xaaladeeda khatar geli laheyd.

Waxaa kale oo ay xustay hooyada uurka leh inaysan hore u oggeyn awooda taleefankeeda Iphoneka oo fududeeyay in wiilkeeda farriin gaarsiiyo qeybta adeegga deg degga ah.

Waxaa xusid mudan in cunugga yar ee 4 jirka ah uu qabatimay isticmaalka taleefanka caaqilka islamarkaana uu jeclaa. Booliiska Ingiriiska ayaa boggaadiyay geesinimada iyo maskax furnaanta cunugga yar.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version