Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Inter Milan oo Barcelona kula biirtay loollanka loogu jiro saxiixa...

Inter Milan oo Barcelona kula biirtay loollanka loogu jiro saxiixa Sergio Aguero

0

Himilo – Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo warramayaa in ay kula biirtay kooxda Barcelona tartanka loogu jiro sidii si xor ah loogu heli lahaa Sergio Aguero.

Weeraryahanka Manchester City ayaa raadinaya koox cusub xagaagan kaddib markii la xaqiijiyay inuu ka tagayo Etihad dhammaadka qandaraaskiisa haatan.

Tuttosport ayaa ku warrameysa in ciyaaryahanka reer Argentina sidoo kale ay doonayaan  kooxaha Inter Milan iyo Juventus, laakiin Aguero ayaan door bidi doonin u dhaqaaqista Serie A.

Aguero ayaa ka tagi doona Man City isaga oo ah gooldhaliyahooda ugu goolasha badan taariikhda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version