Home Cayaaro Inter Milan oo Barcelona kula biirtay tartanka loogu jiro Georginio Wijnaldum

Inter Milan oo Barcelona kula biirtay tartanka loogu jiro Georginio Wijnaldum

0

Himilo – Inter Milan ayaa lagu warramayaa in ay quudareynayaan u dhaqaaqitaanka laacibka khadka dhexe ugu ciyaara kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum.

Inkasta oo uu kamid yahay furaha safka tababare Jurgen Klopp, haddana Wijnaldum waxaa joogitaankiisa Anfield kaga haray keliya lix bilood.

Barcelona, ayaa aad u dooneysay xiddiga si uu ula midoobo hoggaamiyahiisii hore ee Ronald Koeman, kaasi oo u baahan in uu la midoobo.

Si kastaba, sida ay ku warrameyso Tuttomercatoweb, Inter ayaa xiiseyneysa in 30-jirkan ay soo qaadato sannadka billaabanaya ee 2021.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version