Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Inter Milan oo hoos u dhigtay dalab kaga imaanaya Liverpool, Man United...

Inter Milan oo hoos u dhigtay dalab kaga imaanaya Liverpool, Man United iyo Arsenal.

0

Himilo – Naadiga Inter Milan ayaan ku qanacsanaan doonto qiimo waliba oo loo soo bandhigo ee lagu doonayo khadkooda dhexe Nicolo Barella.

23 sanno jirkaan, ayaa si joogto ah ugu ciyaaraya naadiga, kaddib markii uu amaah ugu soo ciyaaray Cagliari sannadkii lasoo dhaafay, afar caawin ayuu sameeyay 10 kulan oo uu naadiga Inter u saftay fasal ciyaareedkan.

Liverpool, Manchester United iyo Arsenal ayaa dhammaan xiiseenaya laacibkan u dhashay Italy, laakiin Calciomercato ayaa leh Inter ma beecin doonto qiimo waliba oo lagu doonayo xiddigan.

Warbixintu waxay intaasi ku dareysaa in uu yahay mid kamid ah seddex xiddig oo kooxda Inter ka tirsan oo aan la iibin doonin labada kale ayaa ah Stefan de Vrij and Romelu Lukaku.

Barella ayaa heshiis ah afar sanno ah u saxiixay Inter bishii September.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version