Home Cayaaro Inter Milan oo ku dhaw inay heshiis la gaarto Christian Eriksen

Inter Milan oo ku dhaw inay heshiis la gaarto Christian Eriksen

0

Himilo – Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhawdahay heshiis ay la gaarto ciyaaryahanka kooxda Tottenham Hotspur ee Christian Eriksen.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee Denmark ayaa qanadaraaska uu ku joogo Spurs waxa uu dhacayaa bisha June ee soo socota, waxaa si weyn loo saadaalinayaa in uu ka tagi doono kooxda uu hoggaamiyo Jose Mourinho dhammaadka ol-olaha 2019-2020.

Manchester United iyo Real Madrid ayaa labaduba si weyn loola xiriirinayay weeraryahanka oo dhaliyay seddex gool islamarkaana caawiyay seddex kale 23 kulan oo uu kooxda u ciyaaray.

Si kasta, marka la eego warbaahinta Ekstra Bladet ee Denmark, Eriksen ayaa u wareegaya kooxda macallinka Antonio Conte ee Inter.

Ciyaaryahanka 27 jirka ah ayaa u ciyaaray kooxda Spurs 300 kulan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version