Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Inter Milan oo ku qasban in ay bixiso £15m haddii ay dooneyso...

Inter Milan oo ku qasban in ay bixiso £15m haddii ay dooneyso Sanchez

0

Himilo – Inter Milan ayaa ku qasban in ay bixiso £15m haddii ay dooneyso saxiixa weeraryahanka Manchester United Alexis Sanchez inta lagu guda jiro suuq furanka xagaaga.

Sanchez ayaa si ammaah ah ku joogay ol-olaha 2019-20 kooxda Inter isaga oo dhaliyay afar gool islamarkaana caawiyay 10 kale 29 kulan oo ah dhammaan tartamada oo idil.

31 jirka ayaa la filayaa in uu ku laabto garoonka Old Trafford xagaaga laakiin kooxda ka cayaarta horyaalka Serie A-da ayaa dooneysa in ay ka saxiixdo laacibka heshiis joogto ah.

Man United ayaa dhawaan meesha ka saartay suurtagalnimada in ay fasaxdo Alexis Sanchez iyo Chris Smalling oo ammaah uga maqan illaa dhammaadka Europa League.

Labada cayaaryahan ayaa heshiis ku-meel-gaar ah ugu biiray Inter Milan billowgii xilli cayaareedkan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version