Home Cayaaro Inter Milan oo u dhaqaaqday soo qaadashada Danilo

Inter Milan oo u dhaqaaqday soo qaadashada Danilo

0

Himilo FM –Daafaca Manchester City ee Danilo ayaa lagu soo waramayaa xagaagan in uu bartilmaameed u yahay kooxda Inter Milan.

Danilo ayaa hadda ku jira waayihiisa labaad ee garoonka Etihad Stadium, laakiin daafacan waxaa ku adkaatay in uu kasbado tabababre Pep Guardiola.

Xiddiga qaranka Brazil ayaa 32 kulan saftay horyaalka Premier League laakiin 27 jirkan ayaa xiiso waxa uu kaga imaanayaa kooxda Inter Milan.

Sida ay ku warameyso Sky Sport Italia, kooxda Inter Milan ayaa albaabka u furtay soo qaadashada xiddigan xilli ciyaareedka soo aadan.

Naadiga Inter waxay ku dalbanayaan laacibkan €22m oo u dhiganta  (£19.04m) laakiin City ayaa dooneysa inay hesho €30m oo u dhiganta (£25.96m).

Danilo waxaa qandaraaskiisa ka haray seddex sanno.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version