Home Cayaaro Inter Milan oo xaqiijisay inay wadahadallo kula jirto Achraf Hakimi

Inter Milan oo xaqiijisay inay wadahadallo kula jirto Achraf Hakimi

2

Himilo – Madaxa fulinta Inter Milan Giuseppe Marotta ayaa sheegay in kooxda wadahadallo meel wanaagan maraya kula jirto cayaaryahanka Real Madrid Achraf Hakimi.

21 jirka ayaa labadii xilli cayaareed ee ugu danbeeyay ku qaatay Borussia Dortmund oo uu ammaah ku joogo.

Dortmund ayaa aqbashay inay ku guuldareysatay dadaalkii ay ku dooneyso inay ku kordhiso heshiiska ammaahda laacibka.

Si kasta, warbixinnada soo baxaya toddobaadkan ayaa muujinaya in Inter dooneyso cayaaryahanka reer Morocco oo ay ku dooneyso adduun dhan £36m.

Dortmund ayaa ku beddalaysa Hakimi Thomas Meunier oo ay kala soo wareegtay kooxda Paris Saint-Germain.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version