Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Iskuul ardaydiisa wanaagsan ku abaal mariya Ey

Iskuul ardaydiisa wanaagsan ku abaal mariya Ey

0

Himilo – Iskuul hoose oo ku yaalla gobolka Yunnan ee Shiinaha ayaa qaar ka mid ah ardaydiisa ku abaal mariyay 20 Ey.

Hou Changliang oo bare ka ah iskuulka ayaa sheegay in Eyda uu ugu deeqay urur maxalli ah oo ka shaqeeya Shiinaha.

Iskuulka waxaa dhigta 65 arday, waxaa wax ka dhiga keliya afar macallin, waxaa ka mid ah Hou iyo xaaskiisa Lei Yudan.

Labaatan arday oo sameeyay bandhig wanaagsan oo dhanka wax barashada ah ayaa laga doortay ardayda kale kuwaas oo la siiyay Eyda.

Ujeeda mashruucan ayaa ah in ardayda lagu dhiiri-geliyo isla markaana la xoojiyo waxbarashada iyo dhaqaalaha gobolka oo liita.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version