Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa xaqiijisay in ciidamada badda Israel ay qabteen markabka Madleen oo gargaar bani’aadanimo u sida shacabka Gaza, islamarkaana lagu wado in loo jiheeyo xeebaha Israel. Markabkan 18-mitir ah ayaa wada gargaar muhiim ah oo la rabay in loo geeyo shacabka go’doonsan ee Gaza, balse waxa uu lagu qabtay biyaha caalamiga ah, taasoo dhalisay cambaareyn caalami ah.
Wasaaraddu waxay sheegtay in dhammaan dadkii saarnaa — oo ay ku jiraan 11 qof oo u ololeeya xuquuqda aadanaha iyo hal weriye — la musaafurin doono. Dadkaas waxaa ka mid ahaa Greta Thunberg, oo ah u-dooda cimilada oo u dhalatay Sweden, iyo xildhibaanad Faransiis-Falasdiini ah Rima Hassan.
Israa’iil waxay difaacday tallaabadeeda iyadoo sheegtay inuu jiro “go’doon sharci ah oo badeed” oo la saaray Gaza, islamarkaana markab aan fasax haysan uusan geli karin aagga badda ee u dhow xeebaha Gaza. Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in gargaar bini’aadanimo si joogto ah loo gudbiyo iyadoo la marinayo jidad la oggol yahay.
Madleen oo ka shiraacday dekedda Catania ee dalka Talyaaniga 1-dii Juun, waxay siday raashin, caanaha dhallaanka, agabka caafimaadka, qalab biyaha lagu nadiifiyo, iyo lugo macmal ah oo loogu talagalay carruurta naafada ah.
