Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Jack Grealish oo heshiis cusub u saxiixay Aston Villa

Jack Grealish oo heshiis cusub u saxiixay Aston Villa

0

Himilo – Grealish, ayaa go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa kooxda Aston Villa, isaga oo saxiixay heshiis shan sanno ah.

Qandaraaska cusub Jack Grealish, waxa uu ku qaadan doonaa mushaar ka badan midkii heshiiskiisii hore ee dhacaya sanadka 2023-ka.

Waxaa uu qaadan doonaa todobaadkii 135,000 oo pound. taas oo ka dhigan in qandaraaskan uu ku helayo 55,000 oo pound oo dheeri ah

24-jirkan kaptanka u ah Villa ayaa waxaa xagaagan doon doonayay kooxo dhowr ah oo ay ku jiraan Manchester United iyo Arsenal.

Inkastoo Grealish uu kooxdiisa u saxiixay heshiis cusub haddan United-ka ayaa wali raja ka qabta inay hesho.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version