Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Jarmalka oo xusaya sannad guurada 30aad ee burburinta darbigii Berlin

Jarmalka oo xusaya sannad guurada 30aad ee burburinta darbigii Berlin

0

Himilo- Jarmalka ayaa toddobaadkan u dabaal dagaya sannad guurada 30aad ee ka soo wareegtay markii meesha laga saaray darbigii Berlin.

Dadka Jarmalka ayaa muddo ka cabanayay dhibaatada darbiga oo dalka u kala qeybiyay labo qeybood; qeybta bari iyo galbeed.

Sida ay qortay AFP, darbiga Berlin ayaa la dhisay 13-kii bishii August ee sannadkii 1961-dii iyadoo ujeedka ahaa in hakad la geliyo isu socodka dhinacyada galbeed iyo bari ee dalka.

Jarmalka ayaa u kala go’ay afar qeybood laakiin waxa uu mar danbe xaqiijiyay midnimo sannadkii 1990-kii.

Midnimada Jarmalka ayaa boos weyn ka joogta Yurub iyadoo ka tarjumeysa gabagabada ama dhammaadka dagaalkii qaboobaa iyo bilaabashada casri cusub oo heer caalami ah.

Munaasabaddo dhowr ah oo lagu xusayo midnimada Jarmalka ayaa lagu qabtay meelo kala duwan, waxaa dhimman kuwa kale oo isla toddobaadkan la sameyn doono.

Waxaa loo arkaa Jarmalka dalka ugu dadka badan Yurub iyadoo tirada dadkiisa lagu qiyaaso inka badan 82 Milyan qofood. Waa dal kamid ah kuwa ugu horreeya ganacsiga warshadaha caalamka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version