Home Habka-Nolosha Jeenyo oo waddo cad marsiisay FC Muqdisho

Jeenyo oo waddo cad marsiisay FC Muqdisho

0

Kooxda kubadda cagta Jeenyo ayaa goolashii ugu badnaa xagaagan oo koox laga dhaliyo ka dhalisay FC Muqdisho kulan ka dhacay gegada Banaadir Stadium oo ku soo idlaaday 7-0.

Cayaaryahanka lagu magacaabo  Feysal Xasan Xaashi ayaa labo gool qeybtii hore ee cayaarta kooxdiisa shabaqa u gaarsiiyay isagoo qeybtii labaadna saddexlediisa dhameystiray.

Xasan Cabdinuur Geeseey ayaa goolka afaraad u dhaliyay Jeenyo inta aanu goolkii shanaad iyo kiisii afaraad dhalin Feysal Xasan.

Maxamuud  Cabdinuur Maxamed Meyman ayaa isna laba gool isdaba dhigay si ay 7-0 u macsalaameeyaan kooxda Muqdisho FC.

Jeenyo ayaana u muuqatay mid si waafi ah maanka ugu heysay guushii 6-0 aheyd oo shalay ay gaartay kooxda Banaadir SC.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version