Home Cayaaro Jesse Lingard oo u dagaalamaya booskiisa United

Jesse Lingard oo u dagaalamaya booskiisa United

0

Himilo – Jesse Lingard ayaa lagu soo waramayaa in uusan qorsheysan ka tegista kooxda Manchester United si uu ugu biiro kooxda Arsenal dhammaadka xagaagan.

Cayaaryahanka reer England ayaa dhawaan galaya sannadkiisii ugu danbeeyay ee garoonka Old Trafford isaga oo aan cajab gelin tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Arsenal ayaa la rumeysan yahay inay dalab u diri karto Lingard hase ahaatee Metro ayaa soo warinaysa in laacibka uu doorbiddayo in uu u dagaalamo booskiisa United.

Solskjaer ayaa la tilmaamayaa in uu fasaxi karo cayaaryahanka khadka dhexe iyada oo lagu qiimeeyay adduun dhan £30 Milyan.

Cayaaryahanka ka soo baxay akaadeemiyadda Manchester United ayaa dhaliyay labo gool 35 kulan oo uu kooxda u saftay xagaagan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version