Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Jesus Xidigee ayuu booskiisa ubadalayaa Juventus haddii uu banneeyo

Jesus Xidigee ayuu booskiisa ubadalayaa Juventus haddii uu banneeyo

0

Himilo – Juventus ayaa qorsheyneyso inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Manchester City Gabriel Jesus haddii Cristiano Ronaldo uu ka tago Allianz Stadium xagaagan.

Shaki ayaa ku jira mustaqbalka Ronaldo, kaasoo ku jira sanadkii ugu dambeeyay qandaraaskiisa, waxaana loo maleynayaa inuu raadinayo xulashooyin kale.

Wargayska reer Talyaani ee La Gazzetta dello Sport ayaa soo jeedinaya in Juve ay durbaba raadineyso bedelka ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal, iyadoo Jesus uu ugu sarreeyo liiska ciyaartoyda ay doonayaan.

Xiriirka lala leeyahay Jesus ayaa yimid xilli la isla dhexmarayo in City ay dooneyso inay sare u qaaddo weerarkeeda ka hor xilli ciyaareedka soo socda iyadoo la imaaneysa Jack Grealish iyo Harry Kane oo ka kala yimaada Aston Villa iyo Tottenham Hotspur.

Weeraryahanka Paris Saint-Germain Mauro Icardi iyo Dusan Vlahovic oo u ciyaara Fiorentina ayaa loo arkaa inay yihiin dooqyo kale oo Bianconeri ah hadii ay seegaan Jesus.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version