Himilo – Guuldaradii ka soo gaartay Rayo Vallecano Arbacadii ayaa aheyd casharkii ugu dambeeyay ee soo gaaray ninka reer Holland, kaasoo shaqada laga ceyriyay saacado uun ka dib ciyaarta.
Guuldaradan ayaa ka dhigtay Barcelona in ay ku jirto kaalinta 9-aad ee kala saraynta horyaalka La Liga iyaga oo badiyay kaliya 4 kulan 10-kii kulan ee ugu horeeyay horyaalka.
Blaugrana ayaa sidoo kale ku dhibtooneysa Champions League xilli ciyaareedkan, taasoo keentay in Koeman laga eryo ka dib hal xilli ciyaareed oo uu maamulayay.
“FC Barcelona waxa ay caawa shaqada ka ceyrisay Ronald Koeman oo ah tababaraha kooxda koowaad,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay kooxda. “Madaxwaynaha kooxda Joan Laporta ayaa ku wargaliyay go’aanka kadib guuldaradii Rayo Vallecano.
“Ronald Koeman waxa uu ku macsalaamayn doonaa kooxda Khamiistan garoonka Ciudad Deportiva.
“FC Barcelona waxa ay rajaynaysaa in ay uga mahad celiso adeega uu u hayay kooxda waxa ayna u rajaynaysaa wax walba oo wanaagsan xirfadiisa ciyaareed”.
Barca ayaa laga yaabaa inay dhawaan hesho bedelka Koeman iyadoo Goal ay ku waramyso in halyeeygii hore ee khadka dhexe haatanna ah tababaraha Al Sadd Xavi loo soo bandhigay shaqada.
Xavi ayaa qandaraas la burburin karo ku leh kooxda Qatar, waxaana la fahamsan yahay inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Barcelona, taasoo diyaar u ah inay bixiso lacagaha looga baahan yahay 41 jirkaan.
Tababaraha reer Holland ayaa loo xaqiijiyay inuu yahay maamulaha Barcelona bishii Agoosto 2020, isagoo la wareegaya shaqada ka dib markii Quique Setien laga ceyriyay kooxda ka dib guuldaradii 8-2 ee kooxda Bayern Munich ka soo gaartay Champions League.
Koeman ayaa Guud ahaan 67 kulan oo uu maamulayay waxa uu haystay rikoor 40 guul ah, 11 barbaro iyo 16 guuldarro ah.
