Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha John Terry Oo Aqbalay in uu Ku Soo Laabto Chelsea

John Terry Oo Aqbalay in uu Ku Soo Laabto Chelsea

0

Muqdisho – Xiddigga caanka ah ee JOHN TERRY ayaa ku dhaw in uu noqdo macallinka kooxda ay da’doodu ka hoosayso  23 jirada ee Chelsea.

Sida laga soo xigtay The Sun Halyeygii hore ee Blues oo 37 jir ah, ayaa ogolaaday heshiis £ 800,000 ah oo uu ka qaadanayo Stamford Bridge, waxaana uu qaadan doonaa marka uu dhameystiro shaqadiisa  tababarenimada.

Terry ayaa shaqada tababaraha 23 jirada kooxda chelsea ka badali doona Jody Morris kaas oo caawiye ka noqday kooxda Lampard ee Derby County.

Halyeeygaan ayaa iska diiday in uu ku biiro kooxda Spartak Moscow oo uu ka qaadan lahaa £ 3million oo mushahar ah markii uu la tashi la sameeyay qoyskiisa oo ay u sheegeen in ay ku adagtahay u guuritaanka dalka Russia.

Daafaca dhexe ayaa 713 kulan u saftay kooxdaan, isagoo kula guuleystay 15 kooboo ay ku jirto shan horyaal oo Premier League ah.

Waxa uu u ciyaaray Aston Villa xilli ciyaareedkii hore, isagoo ka tagay kooxda Midlands ka dib markii ay guuldarro ka soo gaartay Fulham Championship play-off final.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version