Home Habka-Nolosha John Terry oo loogu yaboohay qandaraas sanad dheeri ah kusii heyn doona...

John Terry oo loogu yaboohay qandaraas sanad dheeri ah kusii heyn doona Chelsea

0

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa baahisay in Kabtan John Terry ay ugu yaboohday qandaraas sanad dheeri ah kusii heyn doona gegada Stamford Bridge ee Galbeedka London ku taal.

Guddoomiyaha kooxda Chelsea  Bruce Buck  ayaa booqday tababarka kooxda si uu wadahadallo ula yeesho kooxda wiilka daafaca uga dheela.

Horaantii sanadkan waxay u muuqatay inay gebagebo joogto 18 sanadood oo wiilkii hore ee qaranka Saddexda Libaax uu la qaatay Blues, isaga ayaana meesha aan ka saarin bishii Febraury suurto galnimada uu kooxda uga tegi karo.

35 jirkaan ayaa rajo weyn iyo qanaaco ku muujiyay inuu kooxda sii joogo xagaaga soo aadan, isagoo aan hubin in uu kooxda lasii joogi doono.

Taageerayaasha Blues ayayse farxad u tahay in xagaaga soo aadan ay markale arkaan Terry oo kooxda hogaaminaya.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version