Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Josep Maria “Barcelona marnaba lama hadlin Antoine Griezmann.”

Josep Maria “Barcelona marnaba lama hadlin Antoine Griezmann.”

0

Himilo FM –Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa sheegay in Antoine Griezmann ayna caddeyn in uu ku biirayo kooxda isagoo ku adkeysanaya in weli aan wadahadal lala meel dhigin weeraryahanka Atletico Madrid.

Ciyaaryahanka reer France ayaa bishii lasoo dhaafay ku dhawaaqay inuu doonayo inuu ka tago Wanda Metropolitano xagaagan kaddib shan sanno oo uu kooxda la joogay.

Isagoo hadlayay isbuucii lasoo dhaafay, madaxa kooxda Atletico Miguel ee Angel Gil Marin ayaa shaaca ka qaaday in Griezmann uu ku biiri doono Barcelona Isbuucyada soo aadan, kaddib markii uu 12 billood kahor diiday in uu dhaqaaqo daqiiqadii ugu danbeysay.

“Waxaan mar walb sheegnay in aan isaga la hadlin, waa waxba kama jiraan,”  ayuu Bartomeu u sheegay RAC1

Real Madrid iyo Manchester United ayaa sidoo kale lasoo werinayaa inay u dhaqaaqayaan Griezmann.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version