Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Jubaland oo gool ku laadyo ku reebtay Banaadir iskana xaadirisay Final +...

Jubaland oo gool ku laadyo ku reebtay Banaadir iskana xaadirisay Final + Sawirro

0

Cayaar xiiso badneyd ayaa galabta bugcadda Banaadir ku dhexmartay gobollada Banaadir iyo Jubaland, waana kulankii koowaad ee Afar dhammaadka.

Cayaartoyda gobolka Banaadir ayaana ku dhacay dhigooda Jubaland, cayaar qeybtii hore kusoo idlaatay barbaro goolal la’aan ah.

Qeybtii labaad waxba iskama bedelin oo barbaro ayay labada dhan ku heshiiyeen iyagoon gool iska dhallin, walow ay qarka u fuuleen inay shabaqyada iska soo taabtaan.

Cayaarta ayaana la go’aamiyay in lagu kala baxo gool ku laadyo, min shantii tuurasho ee u horeysay waa ay wada dhaliyeen, si lamid ah tuurashadii lixaad.

Kabtanka Jubaland ayaase gool ku laad qasaariyay iyadoo Banaadir ay heshay fursad ay ku guuleysan kartay, waxaase isna laga qabtay xiddiga lanbarka 14aad u xirta.

Tuurasho siddeedaad ayay labada dhan qaateen, hadafkoodana way gaareen, ugu danbeyse goolhayaha Banaadir ayaa qasaariyay gool ku laadkii u danbeeyay.

Cayaarta ayaa kusoo dhamaatay gool ku laadyo ah 8-7 oo guushu ay ku raacday Jubaland oo Finalka ku sugeysa midkood Puntland iyo Hiiraan/Sh.dhexe.

z

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version