Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Juventus iyo PSG oo tartan la galaya kooxda Man Utd

Juventus iyo PSG oo tartan la galaya kooxda Man Utd

0

Himilo FM –Manchester United ayaa kala kulmi doonto Juventus iyo Paris Saint-Germain tartan ku aadan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes.

Red Devils ayaa la rumeysan yahay inay soo bandhigtay xiddiga reer Portugal kaasi oo qandaraaskiisa lagu burburin karo 86 milyan oo ginni.

United ayaan kali ku aheyn xiisaha Fernandes loo hayo madaama xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal uu qaab ciyaareed cajiib ah sameeyay xilli ciyaareedkan, 28 gool ayuu dhaliyay tartamada oo dhan – taasi ayaa keentay in Juve iyo PSG ay ku biiraan tartanka saxiixiisa.

Warsidaha  Portugal kasoo baxa ee A Bola ayaa ku waramaya in kooxda reer Yurub ay sidoo kale isha ku heyso 24 jirkan qeybta labaad ee xilli ciyaareedka.

Fernandes oo 28 gool ka dhaliyay khadka dhexe ayaa jabiyay rikoorka uu dhigay halyeeygii Chelsea ee Frank Lampard 2009-10.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version