Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Juventus oo aad ugu dhow saxiixa Roberto Firmino

Juventus oo aad ugu dhow saxiixa Roberto Firmino

0

Himilo – Juventus ayaa lagu soo warramayaa inay aad ugu dhowdahay inay dhamaystirto saxiixa weeraryahanka Liverpool ee Roberto Firmino.

Massimiliano Allegri ayaa doonaya inuu ku xoojiyo weerarka kooxda. Juve ayaa Firmino u aqoonsatay bartilmaameed kale oo muhiim u ah naadiga.

Sida laga soo xigtay Corriere dello Sport, kooxda ka dhisan Serie A ayaa horumar weyn ka gaartay wadahadaladii ay Reds kula jirtay saxiixa xiddiga reer Brazil.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Juve ay ogolaatay heshiis ay ku shaqaaleysiineyso Firmino – kaasoo qandaraaskiisa Anfield ay ka harsan yahay 12 bilood oo kaliya – kaasoo ay ku qaadaneyso adduun dhan €22m (£19m).

Tan iyo markii uu ku soo biiray Liverpool bishii June 2015 – afar bilood ka hor imaatinka Klopp – Firmino ayaa u saftay kooxda 327 kulan tartamada oo dhan, isagoo u dhaliyay 98 gool isla markaana caawiyay 74 gool oo kale.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version