Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Juventus oo hammigeedu yahay inay si xor ah ku helaan Matic

Juventus oo hammigeedu yahay inay si xor ah ku helaan Matic

0

Himilo- Kooxda Juventus ayaa rajeyneysa inay si xor ah kula soo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Nemanja Matic dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Serbia ayaa ku fashilmay  xulashada Old Trafford, waxaana la rumeysan yahay in loo soo bandhigay Inter iyo AC Milan isbuucyadii u danbeeyay.

Qandaraaska haatan Matic ee uu ku joogo Old Trafford ayaa dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan laakiin United ayaa weli sii heysa ikhtiyaar ay ugu kordhineyso qandaraaskiisa sannad kale.

Sikastaba, The Sun ayaa sheegeysa in Juventus, oo la soo saxiixatay labada xiddig ee Aaron Ramsey iyo Adrien Rabiot xagaagii, uu hadafkeedu yahay inay heshiis la gaaraan ciyaaryahankii hore ee Benfica kadib markii ay waayeen Paul Pogba.

Matic, oo sameeyay billowgiisii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedka ayaa wajahay Leicester shalay, waxa uu u saftay 89 kulan United tan iyo markii uu kaga soo biiray Chelsea 2017.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version