Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Juventus oo si layaab leh ugu dhaqaaqday Ramos

Juventus oo si layaab leh ugu dhaqaaqday Ramos

0

Himilo FM –Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso soo gabagabeynta  mustaqbalka Sergio Ramos ee magaalada Madrid kaddib markii ay u dhaqaaqeen daafaca kooxda Real Madrid.

Daafaca dambeedka dhexe ee dalka Spain ayaa bartamihii lasoo dhaafay qabsaday baraha bulshada kaddib markii madaxweynaha Real Florentino Perez uu hadal ku dhex maray qolka libiska kaddib markii 4-1 ay khasaaro kasoo gaartay Ajax Talaadadii.

Ramos ayaa si maldahan u sheegay in aysan jirin wax hadalo ah oo dhex maray isaga iyo madaxweynaha kooxda Perez.

Intii ay socotay arrinta, Perez ayaa ku hanjabay in uusan qandaraaska u cusbooneysiineynin Ramos kaasi oo ay labo sanno ugu hartay in uu ka tego kooxda.

Wargeyska Spanish-ka AS ayaa tibaaxay in Juventus ay diyaar u tahay inay Ramos u soo bandhigto in uu ku soo biiro Juve isagana tego Santiago Bernabeu xagaagaan.

Juve ayaa horay u soo qaadatay Cristiano Ronaldo oo ka tirsanaa Real Madrid, waxaana la rumeysan yahay inay ku dhaw dahay in ay lasoo saxiixdaan laacibka reer Brazil ee Marcelo.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version