Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home COVID 19 K/Kuuriya oo xaqiijisay kiisaskii ugu horreeyay ee feyruska cusub ah

K/Kuuriya oo xaqiijisay kiisaskii ugu horreeyay ee feyruska cusub ah

1

Himilo – Adeegayaasha Caafimaadka dowladda Koofur Kuuriya ayaa xaqiijiyay seddaxdii kiis ee ugu horreeyay ee ah feyruska cusub. Dadka laga helay oo isku qoys ahaa ayaa waxaa todobaad kahor ay ka yimaadeen magaalada London.

Sida ay sheegtay dowladuna, mudadaasi waxaa lagu hayay karantiil, iyadoo natiijada tijaabadii caafimaad ee la mariyayna ay soo baxday. Waxaa la hakiyay dhammaan duulimaadyadii toos kaga imanayay Britain, inkasta oo wali socdaalku joogsan.

Dadka ka safra Britain ee gaaray Kuuriyadda Koofureed, ayaa mara baaris adag, waa la karantiilaa muddo toddobaad waxaana la mariyaa tijaabooyin caafimaad laba mar.

Feyruskan cusub oo markiisii horre lagu arkay UK, ayaa waxaa uu hadda ku fiday dhowr dal oo reer Yuruba sida Canada iyo Japan.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version