Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Kai Havertz oo la doonayo inuu noqdo beddalka Neymar

Kai Havertz oo la doonayo inuu noqdo beddalka Neymar

0

Himilo- Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay u aragtay gooldhaliyaha Bayer Leverkusen Kai Havertz inuu yahay beddelka suurtogalka ah ee Neymar.

Kooxda heysata horyaalka Faransiiska ayaa ku guuleysatay inay Neymar ka celiso xiisihii Barcelona iyo Real Madrid inta lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga, laakiin weli waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan mustaqbalka xiddiga reer Brazil.

Sida laga soo xigtay Le10Sport, PSG ayaa isku diyaarineysa nolosha ka dib 27 jirkan, kooxda ayaana u aqoonsatay Havertz inuu yahay beddelka suurtogalka ah ee South American-ka.

Havertz ayaa dhaliyay 20 gool 42 kulan oo uu u saftay Leverkusen intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2018-19, halka sidoo kale uu dhaliyay labo gool afar kulan oo uu u saftay xilli ciyaareedkiisa Bundesliga ololahan cusub.

Kooxda Thomas Tuchel ayaa umuuqata inay tartan culus kala kulmi doonaan 20 jirka, madaama Real Madrid, Barca iyo Bayern Munich ay sidoo kale dhammaantood xiiseynayaan adeeggiisa.

Inkastoo Liverpool aan la rumeysneyn inay u dhaqaaqeyso xiddiga reer Jarmal  ayaa si weyn loola xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso 12-kii billood ee la soo dhaafay. ߽��6

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version