Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Kai Havertz oo mustaqbalkiisa u caddeeyay kooxdiisa Jarmalka

Kai Havertz oo mustaqbalkiisa u caddeeyay kooxdiisa Jarmalka

0

Himilo – Weeraryahanka kooxda Bayer Leverkusen Kai Havertz ayaa u cadddeeyay kooxdiisa Jarmalka in uu doonayo ku biirista Chelsea suuq furanka xagaaga.

Mustaqbalka 21 jirka ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan iyada oo ay xiiseynayaan kooxo badan oo doonaya laacibka kahor ol-olaha 2020-21.

Lixidii billood ee ugu danbeysay, Chelsea ayaa si weyn loola xiriiriyay laacibka reer Jarmal kaasi oo la tilmaamay in uu ka tagayo Leverkusen inta lagu guda jiro suuq furanka xagaaga.

Si kasta, kooxda Bundesliga ayaa la rumeysan yahay inay iibineyso xiddigeeda, taasina waxay ku xeran tahay nuuca dalabaadka loo soo gudbiyo.

Sida laga soo xigtay Sports Lens, Chelsea ayaa ku tijaabineysa cayaaryahanka dalab ku kacaya £62m.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version